Cali Dheere oo hanjabaad culus u jeediyay DFS!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Alshabaab ayaa hanjabaad cusub u jeediyay hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho, kadib weerarkii shalay ka dhacay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka guud ee ururka Alshabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere, ayaa hanjabaad kale u jeediyay hoteelada ku yaala Muqdisho, isagoo sheegay iney weeraro ka geysanayaan hoteelada kale.

Cali Dheere, wuxuu sheegay in hotel Saxafi uu ahaa hotel ay gabaad ka dhigteen dhamaan masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ee kasoo cararay hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney beegsan doonaan dhamaan goobaha ay ka cunteeyaan kuna hoydaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiisha dowlada federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Weerarkii shalay waxaa ku dhintay saraakil horey xilal kaga soo qabtay dowlada Soomaaliya iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com