Xiisadda dagaalkii Tukaraq oo soo noqotay kadib war ka soo baxay PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxaa Markii labaad fashilmay dadaallo ay wadday Qaramada Midoobey oo lagu doonaayay in lagu kala qaado Ciidamada Somaliland iyo Puntland ee ku sugan degaanka Tukaraq.

Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in Somaliland aysan dooneyn nabad, islamarkaana ay dagaallada ay sii socon doonaan inta Somaliland ay ka baxayso dhulka Puntland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dadaalladii Qaramada Midoobey iyo sidoo kale Beesha Caalamka ay waddeen wali aysan hirgalin oo ay markii labaad guul daraysteen.

Camay ayaa sheegay in Puntland aysan qaadan doonin nabad qasab ah oo lagu dirqinaayo, laakiin loo baahan yahay in Somaliland ay ka tanaasusho dhulkii ay sheegtay in uu siiyay gumeystihii Ingariiska.

Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr Bilood isku horfadhiya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ka dib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa dhowr jeer tagay Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, Waxaana labada dhinac uu kala hadlay in Colaadda lasoo Afjaro, inkastoo labadda dhinac ay ku xireen Shuruud in la wadda hadlo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com