CAYNTE: Kulankii GOLAHA Ammaanka wuxuu cadeeyey in dalku galay marxalad adag

Caasimada OnlineBy Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorshaynta Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay inuu daawaday kulankii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya, islamarkaana ay “u caddaatay uu dalka uu galay marxalad aad u adag.”

Caynte ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku faah-faahiyey waxa uga baxay kulankaas. Hoos ka aqriso qoraalka.

Galabta waxaan toos u daawaday kalfadhi uu Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ka lahaa xaaladda Soomaaliya. Waxaa warbixinno laga dhageystay Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM, Danjire James Swan, iyo Wakiilka Gaarka ee Midowga Afrika ahna madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira.

Qofka dhuuxa warbixinnada ay danjirayaashu soo gudbiyeen, iyo hadal-jeedinta 15-ka xubnood ee Golaha Amniga, waxaa u caddaaneysa inuu dalkeennu galay marxalad aad u adag.

Waxaa laga hadlay: amni xumo, fatahaado, ayax, khilaaf siyaasadeed, colaado beeleed, ismariwaa u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Dowladihii hadlay oo dhan waxay madaxda Soomaalida ku waaninaayeen inay wada hadlaan, inay colaadda joojiyaan, inay cadowga Al Shabaab u midoobaan, inay doorashada ka heshiiyaan, wakhtigeedana ku qabtaan, iyo inay dadkooda u turaan.

Nasiib darro iyo waji gabax ka weyn ma jirto in shisheeyuhu had iyo goor nagu waaniyaan maslaxadda dadkeenna iyo dalkeenna. Waxaa ii sii caddaatay heerka uu gaarsiisan yahay fashalka nagu dhacay 30kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaan isweydiiyay: tolow meeqo sano ayaan kusii jiri doonnaa ajandaha Golaha Amniga?