CC oo shaaciyay arrimo kale oo Shabaab ku mashquulsan yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo ka hadlayay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Al-shabaab dhibaato joogto ah ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hayadaha amaanka ay mar walbaa ku howlan yihiin adkeynta iyo dhowrida amaanka Shacabka Soomaaliyeed balse Al-shabaab mar walbaa ku mashquulsan yihiin sidii loo baabi’in lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Al-shabaab ay ku mashquulsan yihiin sidii loo dhaqan gelin lahaa fikir laga soo minguuriyay dalalka dibada ah, waxaana uu taasi ula jeeday falalka isqarxinta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Cumar C/rashiid ayaa eray bixin cajiib leh u sameeyay qaraxii shalay ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay in qaraxaasi uu ahaa mid fulaynimo ah.

“Weerarkii maanta iyo kuwii ka horeeyey ee cadowgu ka sameeyey dalka waxay ahaayeen falal fuleynimo ah oo ay sameyeen kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan Diinta Islaamka. Waxaan u sheegaynaa kooxaha nabad-diidka ah in ciidanka qaranka mar walba iyo meel walba uu diyaar ugu yahay sidii uu damaciinna gurracan u horistaagilahaa”.

Al-shabaab ayaa shalay Muqdisho ka geystay qarax xoogan kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com