R/W CC oo sheegay in la ogaaday dadka qaraxyada ka dambeeya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ogaatay dadka ka dambeeya falalka amni darada ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iminka ay heyso xogo la xiriira qaraxyada iyo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho dadka ka dambeeya, iminka hayadaha amaanka ay hayaan dad qaarkood falalkaasi lala xiriiriyay.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in dadka la qabtay ay yihiin kuwo bixiya tababarada la xiriira xagjirnimada, balse ma uusan cadeyn dadka hayadaha amaanka ay gacanta ku hayaan, isagoo u muuqday inuu xogaha qaar ka gaabsanayay.

“Dadka waxaan sameeya oo tababarka u fudiya dadkaan xagjirka ah dadkaas waan soo qabanay gacanta ayeey ku jiraan, kuwii kale ee waxaan ka dambeeyay waan ku daba jirnaa, marabo inaan waxyaabo badan faah-faahin ka bixiyo, waan rajeynayaa inaan gacanta ku soo dhigno dadkaasi aan Magaalada tan qaraxyada xamar aad ugu batay”

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dadka Muqdisho falalka amni daro ka geysanaya ay kasoo tageen magaalooyinka waaweyn ee Al-shabaab looga adkaaday.

“Maadaama looga adkaaday Degmooyinkii laga qabsaday oo noqotay inay soo galaan Magaalooyinka qaar, waan naqaanaa dadka waxaan ka dambeeya, waana rajeynayaa inaan gacanta ku soo dhigno dhawaan.” Ayuu yiri Ra”iisul Wasaaraha Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com