CC Shakuur oo kiiska Janan la meel dhigay dacwadda laga gudbiyey Netanyahu

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay dacwadda la-laalay ee wasiirkii hore ee amniga maamulka Juballand, kadib warqad kasoo baxday xeer ilaaliyaha guud, kuna raacday maxkamadda gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in tallaabada garsoorka dalka ay tahay dulmi iyo cadaalad darro aad u weyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab,” ayuu yiris siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kiiska Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) la mid dhigay dacwad uu xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ku soo oogay ra’iisul wasaare Benyamin Netanyahu, taas oo dhageysigeedu si rasmi ah uga billaabtay maxkamadda Jerusalem.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Culimada Soomaaliyeed inay jawaab deg deg ah ka bixiyeen falkaasi, kana hadlaan go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu cafiyey Janan oo horey loogu soo eedeeyey inuu geystay tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Halkan hoose ka aqriso:

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oogay Raysalwasaaraha dalka Benyamin Netanyahu,. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday. Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey in uu yiri

“Alle dowladdii caaddil ah ayuu u gargaaraa, haddii ay doonto gaalo ha noqotee, garabna ma siiyo dowladdii dulmiga ka shaqeysa haddii ay doonto Muslim ha ahaato”

Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab.

Farriintaan hala gaarsiiyo kuwa culimmada sheegta ee maalin walba fatwada diiniga ah la garab taagan Farmaajo oo sidii uu doono sharciga dalka ugu tunta.