C/raxmaan Cabdishakuur oo markii u horeysay ka hadlay sharci-nimada kursigiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dooda ka dhalatay in uu waayayo kursigiisa, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in si tabarucaad ah uu uga shaqeynayo u gurmashada dadka abaartu ku saameysay gobolada dalka, taasina ay tahay waajib ka saaran, xilkaasna uu lamid yahay Guddiga Baarlamaanka iska dhex magacaabo.

“Xil aan qabtay ayaanba jirin, Xildhibaanka muhiimaddiisa oo dhan waa in uu dadka u shaqeeyo, Haddii ay u baahatana xildhibaannimada in aan uga tago si aan shaqadan u fuliyo diyaar ayaan u ahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaannimada micnaheedu tahay in loo adeego bulshada Soomaaliyeed, sida hay’adda xeer dejinta ee Baarlamaanka, la xisaabtanka Xukuumadda metalaadda Shacabka.

“Taliye nabad-sugid oo hadda waxaa la magacaabay xildhibaan ah tusaale ahaan. Hay’ad ayuu u shaqo-tagay subixii oo uu xilkeeda la wareegay. Aniga cidda aan xilka kala wareegay yaa waaye? Hay’adda aan u shaqo-tagay waa tee? Intee ayay ka diiwaan-gashan tahay? Yaa shaqaale ka ah? Ma jirto!,” ayuu yiri Cabdiraxmaan isaga oo ku doodaya in xilkaan uusan horseed u noqon karin sharciyan in uu waayo xubinimada Baarlamaanka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u magacaabay 24kii May 2022 in uu noqdo Ergay si gaar ah ugu qaabilsan arrimaha Gargaarka Abaaraha, waxa uu xafiiskiisa billaabay gurmad u raadinta malaayiinta dhibaateysan.