CC Shakuur: Tallaabadii ay NISA ka qaadday Cabdalla ayaa muujisay awoodda ay Shabaab ku leedahay NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa aad u dhaliilay tallaabadii a hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ay shalkay xubinnimadii bulshada sirdoonka uga xayuubisay taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Jeneral Cabdalla Cabdalla.

Qoraal uu soo dhigay barta facebook ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in Cabdalla uu xilkiisa ku waayey markii uu kashifay sirta xubnaha Shabaabka ee hay’adda ku dhex jira, islamarkaana in durba xilka laga qaaday ay muujineyso awoodda kooxdaas ay ku dhex leedahay NISA.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Jeneraal Cabdalla Cabdalle Maxamed waraysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA wuxuu ku sheegay in hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee (NISA) la burburiyey, xogtii iyo sirtii hay’adana gacantana loo geliyey Alshabaab. Jeneraal Cabdalla oo aan si wayn u aqaano wuxuu 6 sano ahaa taliye ku xigeenka NISA, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii duruufaha adag kusoo shaqeeyey.

Horay xilkii ayaa looga qaaday, isagoon xilka lagala wareegin ayaa ninkii isaga lagu bedelay xafiiskiisii jabsaday, maanta fariin amar kiisa lagu qoray ayaa Twitter la soo dhigay laguna sheegay in Jeneraal Cabdalla ciidanka laga saaray, taasoo macnaheedu yahay in xuquuqdii ciidan laga xayuubiyo oo ay ilaaladiisa ka mid tahay si uu baylah ugu noqdo Alshabaab. Cabdalla waa jeneraal, xukun Maxkamad iyo go’aan Madaxweyne ayaa ciidan looga saari karaa.

Tani waa marag ma doonto xadiga uu la egyahay saamaynta Alshabaab ku leeyihiin hay’adda NISA.

Baarlamaanka Soomaaliya hadii ay damiir iyo dawladnimo jirto waa in ay hor istaagaan burburinta hay’adaha dawlada iyo u gacan gelinta Alshabaab, hadii kale iyaga ayaa beri wadooyinka lagu lay doonaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com