CC Shakuur oo sheegay inuu Farmaajo ‘billaabay’ daan-daansi gacan ka hadal ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah musharaxiinta mucaaradka ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku sheegay inuu wado daandaansi gacan ka hadal ah.

Qoraalka uu so qoray wuxuu ku bilaabay sidaan: “Farmaajo oo ay maanta bil sharci dari ah u buuxsan tay ayaa doonaya in uu nolol siyaasadeed ka raadiyo xilkasnimada iyo biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku sheegay mid doonaya in looga jawaabo daan-daansiga maadaama uusan aheyn qof u turaya taariikh hore.

“Mar walba wuxuu ku kacaa daandaansi gacan ka hadal ah, si looga jawaabo mid tiisa la mid ah. Ma aha nin u turaya taariikh hore, sababtoo ah dadaal kama soo gelin dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta dadka. Rajo kama laha in uu reebo raad wanaagsan, sababtuna waa in uusan qaban hawl wanaagsan oo uu beri ku faani karo. Wuxuu doonayaa in uu na kala doorransiiyo diktatooriyadiisa ama dirir sokeeye”

Dhinaca kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in FARMAAJO uu abuurtay koox uu ku tilmaamay daneystayaal kuwaas oo aan u naxeynin dadka iyo dalka, taasna ay sahashay inuu u dhaqmo sidaan, balse ay iska caabin madani ah ku sameyn doonaan.

“Wuxuu abuurtay shabakad danaystayaal ah oo u adeegta, kuwaasoo dadka iyo dalka u naxaynin. Waxaan ku diidaynaa is xakamayn, siyaasad xilkasnimo leh iyo iskacaabbin madani ah, waana hubaal in maalmaha u harsan ay tirsanyihiin”

Hadalka hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa kusoo aadaya xilli maanta ay muddo bil ah u go’day Farmaajo inuu si sharci aan aheyn ku joogo aqalka dalka looga taliyo iyadoo sidoo kale aan wali heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka.