Ciidamada Amisom oo la gaarsiinaayo 24,000 askari (Sidee wax loo wadaa?)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Addis Ababa (Caasimada Online) Midowga Afrika  ayaa kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxa ay uga hadleen siddii loo ballaarin lahaa ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa daba socota markii la ogaaday  Al-Shabaab in ay wali tahay koox khatar ah oo halis ku ah Soomaaliya iyo gobalka oo dhan.

Midiwga Afrika ayaa isku raacay in la gaarsiiyo tirada ciidamada AMISOM ku dhawaad 24,kun oo askari, waxaana tirada hadda oo ah 18,000 lagu kordhin doonaa 6,533 oo askari ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, sidoo kale ergayga Qaramada Miidoobay ee Soomaaliya Danjire Nichols Key ayaa qiray in laga tanbadiyay ciidamada AMISOM.

Madaxda midowga Afrika ayaa isla qiray Al-Shabaab in ay tahay khatar weyn kaddib wixii ka dambeeyay weerarkii bishii la soo dhaafay ay ka geesteen xarunta ganacsiga Westgate ee Nairobi.

Waddamada ciidamada ay ka joogaan ee Kenya, Uganda iyo Burundi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ciidamo kale in ay u diraan dalka Soomaaliya.

Codsigan in uu hirgalo wuxuu qasab yahay marka ay u codeeyaan golaha ammaanka QM balse waxa ay u muuqaataa mid qasab ah oo loo baahan yahay.

Dhinaca kale, madaxda midowga Afrika ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay kulan xasaasi ah ku yeelanayaan Addis Ababa iyagoona uga hadlaya in ay ka baxaan maxkamadda ICC oo hadda u muuqata mid ugaarsaneysa madaxda iyo shacanka Afrikanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com