Ciidamada ammaanka oo joojiyey banaan-bax ka socday BELEDWEYNE

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa lagu soo warramayaa inay saaka joojiyeen dibad-bax ballaaran oo ka socday gudaha magaaladaasi, kaas oo ay dhigayeen boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay.

Dibad-baxayaasha oo watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ayaa waxa ay banaan-baxan uga soo horjeedeen, sida loo wahayo dhismaha maamulka HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha laamaha amniga, gaar ahaan kuwa Booliiska ay kala dareeriyeen dadkii shacabka ahaa ee isugu soo baxay halkaasi.

Labo Xidigle Maxamed Qorsheel taliyaha ciidanka Booliiska magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay inuu dibad-baxaasi ahaa mid sharci darro ah, kana hortageen.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ka hor dibad-baxaasi aan lagu soo war-gelin, islmarkaana uu qatar ku ahaa maniga magaalada, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin in Beledweyne lagu qabto banaan-bax aysan ogeyn hay’adaha ammaanka ee degmadaasi.

Si kastaba dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa waxaa ka taagan is jiid-jiid siyaasadeed iyo khilaafaad u dhexeeya madaxda sare ee  maamulkaasi, taas oo caqabad ku ah qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi.