Ciidamada beesha Cali Saleebaan oo qabsaday qeyb ka mid ah Boosaaso

Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inay qeyb kamid ah la wareegeen ciidamadii Maanta weerarka kusoo qaaday.

Ciidamadaan oo u abaabulan qaab qabiil isla markaasna ka tirsan Beesha Cali Saleebaan oo wato tobaneeyo gawaarida dagaalka ah ayaa qabsaday qeybo kamid ah Magaalada Boosaaso kadib iska hor imaad ka dhacay Koontaroolka laga soo galo Magaalada.

Ciidamada isku dhacay ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen kuwo suga amniga Koontaroolka laga galo Boosaaso iyo Ciidan la sheegay in uu watay Taliye lagu magacaabo Ciise Yulux.

Ciidamada ayaa la sheegay inay qabsadeen jidka galo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso iyo agagaarka Xarumaha ay dagan yihiin Hey’adaha Save the Children, WFP iyo UNDP.

Tiro ku dhow shan qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen isku dhacaasi dhexmaray labada Ciidan iyada oo mid ka mid ah dhinacyada dagaallamay ay ka baxeen Degmada Carmo islamarkaana doonayeen in ay galaan gudaha Boosaaso.

Maleeshiyada hubeysan ayaa la sheegay inay gurmad u aheyd Ciidamo ay leedahay Hey’ad heysatay saadka Ciidamada Badda oo la sheegay inay saaka xiratay waddooyinka Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya inay magaalada ka taagan tahay xiisad ka dhalatay qandaraas lagala laabtay Hey’adda PDG oo heysatay saadka Ciidamada Badda Puntland ee ay tababartay Shirkadda Saracen.

Halkaan ka daawo Beesha Mudulood Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelaneyso Halis Kusoo Wajahan Shiikh Shariif Iyo Xasan Shiikh

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com