Sawirro: Ciidamada DANAB oo Ajaaniib ku qabtay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada DANAB ee dhawaan tagay magaaladaasi ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Gaalkacyo howlgalo adag oo amaan xaqiijin ah.

Saraakiil u hadashay ciidamada Puntland iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ee DANAB ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay kasoo qabteen saraakiil Ajaniib Al-shabaab ah kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada DANAB ee warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen sarkaal u dhashay dalka Sudan kaasi oo magaciisa lagu sheegay Saciid Cabdulaahi Abuukar (Suudaani), kaasi oo Gaalkacyo laga soo qabtay.

Saraakiisha warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney ku raad joogaan xubno kale oo Al-shabaab ka tirsan kuwaasi oo ku sugan  magaalada Gaalkacyo ayna ka hortagayaan dad kasta oo amaan daro abuureyso.

Ciidamada DANAB ee dhawaan tagay magaalada Gaalkacyo ayaa baaritaano ka sameeyay hoteelo waaweyn oo ku yaala magaalada Gaalkacyo iyo xarumo ganacsi.

Danab 1Danab 2Danab 3Danab 4Danab 5Danab 6Danab 7

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com