Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo faarujiyay deegaano muhiima

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool, ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaano dhowr ah oo Gobolkaasi hoostaga.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya in ciidamada isgarabsanaaya ay isaga soo baxeen deegaano ay kamid yihiin Rabdhuure iyo Buurdhuxule oo hoostaga Gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa halkaasi baryihii ugu danbeeyay ku lahaa fariisimo ay ka koontoroolaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, mana cada sababta ka danbeysay inay isaga baxaan deegaanadaasi.

Ciidamada ka baxay deegaankaasi ayaa la sheegay inay u dhaqaaqen degaano kale oo ku yaala isla Gobolka Bakool, halkaasi oo ay ka sameysteen fariisimo hor leh.

Dadka Degaanka ayaa cabsi lixaad leh ka muujiyay deegaanada ay isaga baxeen ciidamada isgarabsanaaya kadib markii ay dib u qabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada ethiopia ayaan dhaqan u laheyn inay ku hakadaan deegaano dhowr ah waxa ayna fursad siinayaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com