Ciidamada Dowlada oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano hor leh (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) –Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgal ka fuliyeen Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyagoona gacanta ku dhigay deegaano ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ku sugnaayeen.

Howlgalkan ayaa waxa ay Ciidamada dowlada kula wareegeen deegaano hor leh oo Al-shabaab  ay gacanta ku hayeen,waxaana kamid ah deegaanka Ceelka Bari ee ku yaalla Duleedka Magaalada Baladweyne gaar ahaan dhanka galbeed.

Taliyaha Ciidanka Xasilinta Baladweyne ayaa sheegay in maanta Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ay howlgal ka fuliyeen Duleedka Baladweyne,isla markaana Ciidamada dagaalamayaasha Al- shabaab ay kala wareegeen ilaa iyo lix tuulo oo ay fariisin ku lahaayeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay Taliyaha in howlgalkan ay sameeyeen Ciidamada dowlada federaalka oo kaliya,aysan kala qeyb gaadan Ciidamada AMISOM.

Dhanka kale  Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku dagaalameen duleedka Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoona khasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi.

Maxamed Ibraahim Nuur Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab ay gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ayy dagaalka ugu dileen 6 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in hub ay ka furteen Al-Shabaab.

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com