Ciidamada DF oo ku wajahan degaano ay ka baxeen Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga Dalka ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deeggaanno ay ka baxeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, maleeshiyada argagixisada ah ayaa saaka faarujiyay deegaanka Geed-Yaxiir iyo tuulooyin kale oo kamid ah meelihii ay horay ula wareegeen ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in Geed-Yaxiir iyo tuulooyinka hoos yimaada ay ka wada baxeen xubnihii Al-Shabaab, mana cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaabkii ku sugnaa aaggaasi ay u baxeen deeggaanno kale oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay weli gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab, halkaas oo ay isku uruursanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Xaaladda deegaanka ayaa hataan ah mid kacsan, maadaama dhaq-dhaqaaqyo ay ka socdaan halkaasi, kuwaas oo ka dhashay qorahaha dowladda ee dib ula wareegidda deegaannada ay ka baxeen Al-Shabaab, si loo sugo amnigooda.

Sababta ugu weyn ee soo dadajisay bixitaanka kooxda Al-Shabaab ayaa loo arkaa culeyska ay kala kulmeen guluf cusub oo ay mar kale dowladda dhexe ka bilaabeen qaybo kamid dalka, kadib dagaalkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh iclaamiyay intii lagu guda jiray todobaadkii xorriyadda.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda ee ku aaddan dib u gurashada argagixisada oo maanta ka baxay deegaanno ku yaalla Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

- Advertisement -

Read more

Local News