Ciidamada Itoobiya oo 70 Al-Shabaab ah ku dilay duqeyn diyaaradeed

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Weerarkan cirka ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo fashilin lahaa qorshe ay kooxda maleeshiyada Al-Shabaab weerar kula maaganayd ciidamada itoobiya ee ka tirsan hawlgalada Midowga Africa ee AMISOM.

Ku dhawaad 70 ka tirsan maleeshiyada Al -Shabaab ayaa weerarka lagu dilay  waxaana la bur buriyey laba gaari oo hub laga soo buuxiyey.

General Yilma Merdassa, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa sheegay in weerarka la qaaday kaddib markii qiimeyn iyo qorsheyn badan la sameeyey.

Waxa uu yiri: “Waxaan ku guuleysannay 100% yoolkeennii.”

Itoobiya waxa ay ka mid tahay wadamada ciidamada ugu deeqay hawlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-Shabaab ayaa dhawr jeer ku dagaalamay Soomaaliya waxaana soo dhex maray dagaalo taariikhi ah oo laga xusi karo Midkii Deynoonay iyo midkii gudaha Muqdisho ka dhacay.

Wadamada kale ee ciidamada  ugu deeqay AMISOM waxaa ka mid ah Djibouti, Burundi, Kenya iyo Uganda.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com