Ciidamada Itoobiya oo la wareegay garoonka Mekelle

Bookmark
Bookmarked

Share

Mekelle (Caasimada Online) –  Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay howlgallo nadiifin ah ka wadaan gudaha magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, sida ay waxyar ka hor baahisay Reuters.

Dhankeeda Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa  werisay in ciidanka Itoobiya iyo kooxaha taageersan ay sidoo kale maalintii labaad maamulayaan garoonka diyaaradaha Mekelle ee Alula Aba Nega, halka saldhigyada iyo xarumaha kale ee dowladda ee ku yaalla Mekelle ay haawanayaan, markii magaalada ay isaga baxeen ciidamada kooxda TPLF.

Warbixinta AFP, ayaa sidoo kale lagu sheegay la wareegista ciidanka taageersan dawladda Itoobiya ee Mekelle, inay ka dhigantahay burbur gaaray TPLF, oo mar kale u muuqata dagaallo ay iskudayeen si deg deg ah inay ula wareegaan gobolka Tigray oo ay cadaadiyaan dawladda Abiy, in looga adkaaday, taasoo dib gacan sareynta ugu soo celinaysa xukuumadda Abiy Axmed.

Xaaladdii toddobaadyo ka hor loo arkayay inay khatar gelinayso maamulka Abiy, markii TPLF ay 23 bishii September dib u bilowday dagaalka ayaa hadda u muuqata in meesha laga saaray , isla markaana TPLF iyo qorshihii ay ku mideeyeen kooxaha kale ee ka soo horjeeda xukuumadda Addis Ababa in iska caabin lagu joojiyay oo cadaadiska lagu soo celiyay dhinaca TPLF oo hadda dib ugu guranaya dhulka miyiga iyo buuralayda ah ee gobolka Tigray, halka goobaha TPLF ay ka gaareen gobolka Cafarta ay si dhaqso ah u luminayaan gacan ku heyntooda, taasoo dhabarka u saaraysa guul-darro kale , halka ay xasilloonida dib ugu soo laabanayo Addis Ababa.

Dagaalkan ayaa waji kale galaya , haddii ciidanka Itoobiya ay u dhaqaaqaan dhinaca xadka Eritrea, iyadoo goobaha uu isha ku hayo Abiy ay ku jirto Adigrat oo loo tixgeliyo magaalada weyn ee Itoobiya ee ugu dhow xadka Eritrea, waana marin muhiim ah oo u jihaysan Eritrea iyo Badda Cas, taasoo cadaadis saaraysa Eritrea, oo ay dawladda Itoobiya ku eedeysay inay taageerto TPLF oo hadda lumisay xakameynta dagaalka.

Si kastaba, horumarkan ayaa imaanaya kaddib markii ciidamada dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaadka taageera ay maalmihii la soo dhaafay guulo degdeg ah ka gaareen gudaha Tigray, halkaas oo dagaal culus uu toddobaadkii hore ka dhex qarxay dowladda iyo isbahaysi hubeysan oo ay hoggaamineyso Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Dagaallada hadda socda ayaa kusoo laabtay Tigray afar sano kaddib markii heshiiskii Pretoria uu hakiyey colaad ay ku dhinteen boqollaal kun oo qof, malaayiin kalena ay guryahooda uga barakaceen. Hase yeeshee, isbeddelka xulafeysi ee gobolka — gaar ahaan kala fogaanshaha Itoobiya iyo Eritrea iyo xiisadda sii kordheysa ee Addis Ababa kala dhexeysa Masar iyo Sudan — ayaa sare u qaaday walaaca ah in dagaalka cusub uusan ku ekaan gudaha Itoobiya.

- Advertisement -

Read more

Local News