Ciidamada KENYA oo mar kale xuduudda lagu…

Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada Kenya oo ku sugnaa dhanka xuduuda,sida ay sheegayaan masuuliyiinta maamulka waqooyi bari.

Maxamuud Saalax, oo ah gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay dhanka xuduuda labada dal, balse ciidamada ayuu ka gaabsaday inuu ka hadlo waxyaabaha soo gaaray.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan dowlada Kenya ayaa ka hadlay qasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay dhanka xuduuda, waxayna sheegeen iney waxyeelo soo gaartay ciidamada Kenya ee qaraxa lala eegtay.

Saraakiisha booliska waxay sheegeen in Alshabaab oo ka dagaalama Soomaaliya ay ka dambeeyaan weerarka qaraxa ah ee ka dhacay xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa ka dhacay lagu soo beegay dhismaha darbiga Kenya ay qorsheyneyso iney ka dhisto dhanka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Inta la xaqiijiyay askari kamid ah  ciidamada Kenya ayaa ku dhintay labo kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray ciidamada Kenya ee kusugnaa dhanka xuduuda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com