Ciidamada Kenya oo sanad kasta 100 milyan oo dollar ka faa’iida joogitaanka dekeda Kismaayo

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda Journalist For Justice Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Kenya ay ka qayb qaataan, lacag xooganna ay ka faa’iidaan dhuxusha laga dhoofiyo Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Ciidanka Kenya waxay Magaalada Kismaayo ka qaadaan sonkorto sharci darrada ah ee laga soo dejiyo Dekeda Kismaayo, waxayna u iib geeyaan Deegaanada Al Shabaab iyo dalka Kenya.

Dhuxusha laga dhoofiyo Dekeda Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa laga keennaa dhulka ay gacanta ku hayso Al Shabaab, waxaana dhuxushaasi loo iib geeyaa qaar ka mid ah Wadamada Carabta.

Warbixintan, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Ciidanka Kenya ay sanadka kasta 100 milyan ka faa’iidaan dhoofinta dhuxusha iyo sonkorta sida sharci darrada ah looga soo dejiyo Dekeda Magaalada Kismaayo. Ciidanka Kenya ayaa lacagahaasi waxa ay ku soo gashaa canshuur ay ka qaadaan dhuxusha iyo sonkortaba.

Arrintan, ayaa waxaa la dhihi karaa waxaa jira xiriir iskaashi oo ganacsi oo u dhaxeeya Ciidanka Kenya iyo Xoogaga Ururka Al Shabaab, marka laga soo taggo inay ku wada dagaalamayaan Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Ganacsigan sharci darrada ah ee Ciidanka Kenya ka abuureen Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu dhabarjab weyn ku yahay dadaaladii Midowga Afrika, ee lagu doonaayay in lagu soo afjaro Ururka Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com