Xubno miino aasayey oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyey howl-gallo ay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen duleedka degmadaasi, kuwaas oo looga hortegayey weeraro ay soo qaadaan Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigenka amniga iyo siyaasadda degmada Qansaxdheere Maxamed Muqtaar Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkan si gaar ah looga sameeyey duleedka magaalada, islamarkaana lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab.

Maxamed Muqtaar ayaa xusay in xubnahaasi oo labo ahaa la toogtay, xilli ay aasayeen qarax miino, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga lagu dilay howlgalka ay ka furteen qoray Ak47 ah iyo bistoolad ay wateen, isagoo intaasi ku daray in howl-galka laga gaaray ujeedka laga lahaa.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Qansaxdheere ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ee is-garabsana ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.