Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Geeska Afrika ayaa tababar militari oo ballaaran ku sameeyey magaalada Kismaayo, kaas oo lagu tijaabiyey sida ciidamada ku sugan saldhigga ay isaga difaaci karaan weerar iyo sida gurmad degdeg ah loogu keeni karo haddii xaalad amni ay soo wajahdo.
Tababarka oo dhacay 18-kii Agoosto waxaa ka qeyb galay ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan East African Response Force (EARF), kuwaas oo hoostaga taliska ciidamada isku dhafka ah ee Mareykanka ee Geeska Afrika — Combined Joint Task Force-Horn of Africa.
Militariga Mareykanka ayaa sheegay in tababarka lagu qabtay xarunta amniga ee Kismaayo, islamarkaana la isku daray laba xaaladood oo muhiim ah: difaaca saldhigga marka weerar lagu soo qaado iyo in ciidamo gurmad ah si degdeg ah loogu diro saldhig dibadda ah oo wajahaya xaalad halis ah.
Ujeeddada ugu weyn ayaa ahayd in la hubiyo sida ciidamada gurmadka iyo kuwa horey ugu sugan Kismaayo ay uga wada shaqeyn karaan xaalad degdeg ah, iyadoo la tijaabiyey isgaarsiinta, difaaca saldhigga, madaafiicda iyo gurmadka caafimaadka.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo lagu magacaabo Austin Doughty ayaa sheegay in ciidamada gurmadka markii ay yimaadeen Kismaayo si degdeg ah loogu dhex daray nidaamka difaaca saldhigga.
“Waxaan hubinnay in ciidamada lagu daro howlgallada ilaalada, madaafiicda si sax ah loo diyaariyo, isla markaana la sameeyo qorshe iyo kala wareejin howleed,” ayuu yiri Doughty.
Waxa uu sheegay in xiriirka iyo wada-xiriirka ciidamada kala duwan uu ahaa qeybta ugu muhiimsan ee lagu xaqiijinayey guusha howlgalka.
Gurmad marka saldhig la weeraro
East African Response Force waa ciidan Mareykanku u diyaariyey inuu muddo kooban gudaheed uga jawaabo xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca Bariga Afrika, gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada ama danaha Mareykanka.
Lieutenant Ethan White oo hoggaaminayey qeyb ka mid ah ciidamada tababarka galay ayaa sheegay in layligu tijaabiyey awoodda ay ciidamadu ugu gurman karaan saldhig wajahaya weerar culus.
“Tababarkan wuxuu muujiyey awoodda aan u leenahay inaan si dhaqso ah u xoojino goob laga yaabo inay cadowgu ku xoog bato,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in ciidamada gurmadka ay wateen khubaro hagta duqeymaha diyaaradaha, dhaqaatiir iyo ciidamo madaafiicda adeegsada, si ay u buuxiyaan baahida ka dhalan karta weerar ama xaalad kale oo degdeg ah.
Ciidamada ayaa sidoo kale lagu tababaray sida ay ula qabsanayaan saldhig aysan horey u aqoon, arrintaas oo militariga Mareykanku sheegay inay muhiim tahay maadaama ciidamada gurmadka mararka qaar diyaarado looga dejiyo goob aysan horey uga howlgelin.
White ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn marka ciidan lagu daadiyo meel cusub ay tahay inuusan aqoon goobaha muhiimka ah, waddooyinka gudaha saldhigga iyo hab-raacyada ay isticmaalaan ciidamada halkaas jooga.
Sidaas darteed, ciidamadii yimid Kismaayo ayaa la baray nidaamka saldhigga iyo sida ciidamada joogtada ah uga falceliyaan weerarro, dhaawacyo badan iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.
Gurmadka dhaawacyada
Tababarka waxaa sidoo kale qeyb muhiim ah ka ahaa gurmadka caafimaadka haddii weerar uu sababo dhaawacyo badan.
Sgt. Dana Raush oo ah sarkaal caafimaad oo ka tirsan East African Response Force ayaa sheegay in ciidamada gurmadka ay marka ay goob cusub tagaan marka hore bartaan hab-raacyada caafimaad iyo kuwa amni ee halkaas ka jira.
“Waxaan eegnaa sida aan awooddeena ugu kordhin karno tan ciidamada halkaas jooga, sababtoo ah ugu dambeyn waxaan nahay ciidan awood dheeraad ah ku biirinaya kuwa goobta jooga,” ayay tiri.
Intii uu tababarku socday, ciidamada gurmadka iyo kuwa Kismaayo joogay ayaa si wadajir ah uga jawaabay weerarro la jilay, iyagoo tijaabiyey nidaamyada loo adeegsan lahaa haddii xaalad dhab ah ay dhacdo.
Militariga Mareykanka ayaa sheegay in tababarku uu sidoo kale fursad siiyey ciidamada labada dhinac inay hagaajiyaan isku-duwidda iyo qorshaha lagu xoojinayo saldhigga haddii xaalad degdeg ahi timaado.
White ayaa tababarka ku tilmaamay mid guuleystay, isaga oo sheegay in ciidamada gurmadka ay muujiyeen inay diyaar u yihiin in waqti kooban lagu geeyo goob kasta oo loogu baahdo.


