Ciidamada Mareykanka oo markii labaad halis weyn kala kulmay AL-SHABAAB

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamo Huwan ah oo isugu jiray Mareykan iyo Kenyaan ah ayaa weerar xooggan ka kala kulmay xoogaga Al Shabaab xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen duleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka oo dhacay laba maalmood ka hor ayaa sababay khasaara soo gaaray ciidamada wada jirka ah oo ay hoggaaminayeen saraakiil Mareykan ah iyo dhanka Al-Shabaab oo dhibaato xoog leh ay soo gaartay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah uu weerar ku qabsaday halka loo yaqaan Janaay Cabdalle.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu lakulmeen khatar kadib markii la weeraray markii dambana ay dalbadeen diyaaradaha wax duqeeya ee Drone-ka loo yaqaan.

Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Meydadka iyo dhaawacyada  Ciidamada Bangaraafta lageeyay xarumo magaalada kuyaal kuwaas oo lagusoo dilay dagaalkii Janaay Cabdalle, waa markii labaad oo Mareykanku sheego in ciidamadiisa duullaanka jooga Soomaaliya ay khatar daran lakulmeen.

Mareykanka ayaa sheegay in weerar duqeyn is difaacid ah uu ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab dudeedka magaalada Kismaayo.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii magaalada Kismaayo 50KM waqooyi Galbeed kaga beegan, waxaana lagu dilay 18 dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka cirka ayaa ka dambeeyay markii weerar ay la kulmeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamada Danab ee ka tirsan Xoogga dalka.

Marwalba oo ay saraakiisha Mareykanka dhaq dhaqaaqyo ka sameynayaan duleedyada Kismaayo waxay horay usii kaxaystaan ciidamada Kenya iyo Ciidamo Bangaraafta loo yaqaan ee uu isagu tababartay.

Weerarkii fashilmay ee deegaanka Mubaarak ayay sidaan oo kale saraakiil Mareykan ah halis ugu galeen kadib markii Al Shabaab ay dabin udhigtay ciidamada Bangaraafta ee Mareykanku habeennadii diyaarado ku dajisay.

Wasaaradda G/dhigga Mareykanka ayaa qiratay in 2 askari looga dilay dagaalka ka socda dalka Soomaaliya mid kamida askartaas ayaa sanadkan gudihiisa lagu dilay duleedka magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay halis weyn geliyeen Ciidamada Mareykanka isla markaasna ay dileyn ciidamo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com