Ciidamada SSC oo sheegay inay qabsadeen saldhigii Somaliland ee Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Laascaanood ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, kaasi oo ay guulo horleh ka sheegteen ciidamada SSC.

Ciidanka SSC ayaa sheegay inay qabsadeen saldhigyo ciidan oo lahaayeen kuwa Somaliland. Saldhigyada ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaalka ayaa waxa kamid ah xerada lagu magacaabo Guul-Wade oo saldhig u aheyd ciidamo daacad u ah Sarkaal lagu magacaabo Mahad Cambaashe.

SSC ayaa sheegtay in xeradan ku qabsadeen gaadiid dagaal oo ay ku jiraan Taangiyo, Gaadiid Gaashaaman iyo hub kale, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil u hadlay SSC.

Sarkaalkan ayaa muddooyinkii dambe taabacsana xukuumadda Somaliland, waxaana la sheegay in uu diiday in SSC uu ku wareejiyo hubkiisa iyo ciidankiisa.

Waxaa lasoo warinaya khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo dhinacyada uu dagaalku ku dhex-maray magaalada Laascaanood, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin maadama uu socdo dagaalka.

Dhinaca kale, Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa saaka ciidamada Somaliland ku eedeyay inay weerarka soo qaadeen, ayada oo eedaasi ay Somaliland uga jawaabtay war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in kooxo nabad diid ah iyo argagixiso is-garabsanaya ay weerar kusoo qaadeen fadhiisimida ciidamadeed ee magaalada Laascaanood, iyaga oo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan.

Xukuumadda ayaa markale ku celisay in ay ilaalineyso xabad-joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana ay ciidamadeedu ku jiraan is-difaac, sida lagu yir war-saxaafadeedka.

Si kastaba, Dagaalka maanta socda ayaa ah kii ugu cuslaa ee waayadan dambe ka dhaca Laascaanood, wuxuuna kusii fiday jihooyin cusub, kuwaasi oo ah bariga iyo waqooyiga magaalada.