Ciidamo aan ahayn Dowladda iyo Amisom oo lagu arkayo Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa saakay dagan iyadoo dhanka kale ay socdaan dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Ciidanka Dowlada iyo AMisom ee dib ugu noqday Kismaayo.

dadka Shacabka ayaa sheegaya in Ciidamo aan ahayn Al-shabaab iyo Dowlada lagu arkayo Magaalada Gudaheeda kuwaas oo la tilmaamayo inay yihiin Maleeshiyaad.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in dhaqdhaqaaqa ganacsiga Magaalada uu yahay mid caadi kusoo noqday.

Shacabka reer Kismaayo ayaa hadal haaya sababta ciidamada Dowladda Soomaaliya ay uga baxeen Magaalada oo ay shalay gudaha usoo galeen taas oo ay Saraakiisha Dowlada ku sheegtay inay tahay Qorshaha Kismaayo Si rasmi lagula wareegayo.

Majirto Saakay cid ka tirsan labada dhinac waa Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda oo hada si toos ah ugu sugan Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda hoose.

Ciidanka Dowlada iyo Amisom ayaa lagu arkayaa duleedka Kismaayo kuwaas oo raba inay gudaha dib ugu soo noqdaan Si rasmina ula wareegaan kismaayo.