Ciidamo gudaha u galay Isbitalka degmada Warsheekh kadibna xiray + Sababta

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaallo xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmadaasi, taas oo sababtay in la xiro isbitaalka magaaladaasi.

Xiisadda ayaa ka dhalatay khilaaf culus oo soo kala dhex-galay maamulka Washeekh iyo hay’adda gacanta ku heysa maamulka isbitaalka guud ee degmadaasi.

Duqa degmada Warsheekh Xasan Maxamed Axmed (Darafey) ayaa goor sii horeysay soo saaray warqad uu ku sheegay inuu kuu joojiyey dhammaan howlihii shaqo ee ka socday isbitaalkaas inta laga soo xilinayo khilaafka taagan ee sababay in shaqada ay joogsato.

Intaas kadib ayaa la sheegay in ciidamo ka socda maamulka degmada oo fulinaya amarka soo baxay ay gudaha u galeen isbitaalka, ayaga oo kadib albaabada isugu laabay.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaax xoogan, waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in uu saameynayo xirnaasha isbitaalka oo muhiim u ah degmada iyo degaanada ku xiran.

Sidoo kale shacabka Warsheekh oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa farriin culus u diray HirShabelle iyo dowladda dhexe, iyagoo ka dalbaday inay arrintaan soo farageliyaan.

Ma’ahan markii u horreysay oo ay istaagto shaqada isbitaalka degmada Warsheekh, ayada oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ay u dhacday kadib khilaafaad hareeyay isbitaalkaasi.