25.8 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Ciidamo la socday fanaanada Fartuun Birimo oo dad shacab ah xasuuqay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khasaaro ka dhashay weerar ay geysteen ilaalo la socday Fannaanada Fartuun Birimo oo iminka ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ilaalada la socda Fannaanada Fartuun Birimo ayaa rasaas ooda uga qaaday dad shacab ah oo aad uga soo horjeeday in Fannaanada ay bandhig faneed qabato.

Dadka shacabka ayaa aad uga soo horjeestay Fannaanada kadib markii culimada deegaanka ay ku baaqen in la hakiyo bandhig faneedka Fartuun Birimo.

Culimada deegaanka ayaa sidoo kale waalidiinta ku amray in carruurtooda ay ka ceshtaan goobaha la doonaayo in lagu dhigo bandhiga.

Inta la xaqiijiyay rasaasta ay fureen ilaalada Fartuun Birimo ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux, halka inkabadan Shan kale uu dhaawac soo gaaray kuwaa oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Fannaanada Fartuun ayaa noqoneysa Fannaankii ugu horeeyay oo ilaalo ay wadatay dad shacab ah laaya, tan iyo markii ay Fannaaniitu bilaabeen inay dib ugu soo laabtan dalka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News