Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Deni, taas oo ku aadan xaaladda sii cakirmeysa ee Puntland oo dhaq-dhaqaaqyo ay ka jiraan.
Ciidamadan oo uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale Takar, isla markana ay taageerto Dowladda Federaalka ayaa garab istaag u muujiyay ciidamada PSF oo dhawaan kuwa Daraawiishta Puntland kula dagaalamay Gobolka Bari.
“PSF waxay door muhiim ka soo qaateen amniga Puntland sannado badan, waana ciidamo reer Puntland,” ayaa lagu yiri warqadda.
Warsaxaafadeedka Ciidanka Danab ayaa lagu sheegay in Saciid Deni uu dagaal sokeeye ka hurinayo gudaha Puntland, isla markaana uu isku adeesanayo ciidamada maamulkaasi.
“Hoggaamiye Siciid Deni wuxuu hurinayaa colaad iyo dagaal sokeeye, waana markii afaraad oo dagaallo noocaan ka dhacaan gudaha Puntland, ciidamada Puntland-na uu isu adeegsado,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, Taliska ayaa sheegay in aysan jirin cid Puntland kusoo duushay, isla markaana khilaafka jira uu u dhexeeyo dad reer Puntland oo diidan kelitalisnimada Saciid Deni iyo boob qoyskiisu wadaan, sida lagu caddeeyay bayaanka.
“Ma jirto cid Puntland kaga soo duushey dibadda, khilaafka jira waa mid salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dad reer Puntland ah, waxa la isku hayana waa hoggaaminta taletisnimada iyo boobka qoyska Siciid Deni,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waxuu weerar ku yahay cid kasta oo ka aragti duwan, wuxuuna rabaa in uu Puntland ka dhigo meel ay ka shaqeyso kelitalisnimadiisa keliya. Waxaan soo jeedinaynaa in laga hortago daadinta dhiigga askar reer Puntland ah iyo colaad la dhex-dhigo qeybaha ciidamada reer Puntland”.
Ciidanka Danab ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in mas’uuliyadda bilaabashada dagaal iyo colaad sokeeye oo ka dhaca gudaha Puntland uu qaadi doono Madaxweynaha maamulkaas, Mudane Siciid Cabdillaahi Deni.
Warqaddan ayaa kusoo aadeyso xilli xasaasi ah, isla markaana Puntland ay wajaheyso dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka jira deegaannadeeda, kadib markii la sheegay in dowladda dhexe ay abaabul ka bilowday gudaha maamulkaasi.


