Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal qorsheysan oo diyaarado loo adeegsaday ka fuliyay deegaanno ku teedsan jiinka Webiga Jubba, halkaas oo lagu beegsaday fariisimo iyo difaacyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin aaggaas.
Diyaaradaha milatari ee ka qayb-qaatay howlgalka ayaa lagu daabulay ciidamada la geeyay goobta, iyaga oo kadib si toos ah u gaaray aagagga ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Danab.
Howlgalkan oo ahaa bartilmaameed ayaa khasaare culus lagu gaarsiiyay argagixisada, iyada oo la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.
“Markii ciidamada ay gaareen goobta, waxay qaadeen hawlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday fariisimihii iyo difaacyadii Khawaarijta, waxaana kooxda la gaarsiiyay jab xooggan iyo khasaare culus,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa burburiyay awooddii Khawaarijta ee goobihii la beegsaday, iyadoo maleeshiyaad ka tirsan kooxda la gaarsiiyay khasaare, halka qaar kalena ay ka firxadeen fariisimahoodii”.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalkan uu muujinayo awoodda iyo diyaar-garowga Ciidanka Danab, iyo sida ay uga go’an tahay inay gaaraan goob kasta oo Khawaarijtu isku daydo inay gabaad iyo difaac ka dhigato.
Dhanka kale, Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa xaqiijiyay in howlgallada socda lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta iyo lagu xaqiijinayo amniga deegaannada ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada ay ka go’an tahay difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya.
Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab, waxaana badanaa howlgallo ka fuliya ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.


