Marka (Caasimada Online) – Ciidamada gaarka ah ee Haramcad ayaa weli howlgallo kasii wada gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo galay maalintii shanaad oo xiriir ah, iyadoo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa maanta dagaal adag la galay dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay isku fara saareen deegaannada Baldooska iyo Alifow oo ku teedsan jinka Wabiga Shabelle, halkaas oo jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.
Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in dagaalka maanta lagu dilay madaxii jabhadda Cabdinaasir Farey iyo qaar ka mid ahaa ilaaladiisa, kuwaas maydadkooda ay soo bandhigeen ciidamada.
“Maanta, ciidamadu waxay dagaal adag la galeen maleeshiyaad hubeysan ee khawaarijta Al shabaab oo dhibaato ku hayay shacabka deegaanka. Dagaalka oo socday saacado ayaa lagu dilay madaxii jabhadda, Cabdinaasir Farey, iyo qaar ka mid ahaa ilaaladiisa,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, ciidamada ayaa howlgalladan ku burburiyay shabakado argagixiso ah iyo fariisimo ay Khawaarijta ku lahaayeen deegaanno ku teedsan wabiga Shabeelle, halkaas oo muddo dheer ay ku dhuumaalaysanayeen.
Waxaa kale oo ay ciidamadu gudaha u galeen dhammaan deegaannadii howlgalka laga sameeyay, kadib markii ay ka firxadeen Al-Shabaabkii ku sugnaa, iyaga oo haatan halkaas ka wada baaritaanno lagu xaqiijinayo amniga guud.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada ku teedsan Wabiga Shabeelle iyo sidii looga sifeyn lahaa kooxda Al-Shabaab oo weerarro kasoo abaabula halkaasi.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Shabeellaha Hoose , iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka ah e Soomaliya ay u dirtay ciidamo dheeraad ah.
Gobolkan ayaa waxaa ku xooggan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo badanaa weerarro culus kasoo abaabula, waxaana qorshaha dowladda uu yahay in halkaas laga sifeeyo kooxaha argagixisada.


