Ciidanka Kenya oo la wareegay gacan ku henyta West Gate & cabsi weli jirta

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta dhammaan dabaqyada xarunta West Gate Mall ee Nairobi.

Wasaaradda arrimaha guaha Kenya, ayaa sheegtay in ciidanka ay gudaha ugu jiraan xarunta, ayna u maleyneyso inaysan jirin wax la heystayaal ah oo ku haray.

Ugu yaraan 62 qof, ayaa lagu dilay dhacdadaas, ayada oo 170 kalena lagu dhaawacay, waxaase jira cabsi ah in dhimashdu ay intaas ka badan karto.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya, ayaa Caasimada Online u sheegtay inay jiraan 63 qof oo weli aan warkooda la heyn.

Waxaan caddeyn tirada dagaal yahanada kooxda Al-Shabab ee ku jira xarunta, hase yeeshee saraakiisha Kenya waxa ay sheegeen in saddex ka mid ah la dilay.

“Waxaa suurta gal ah in argagixisadu ay ku dhuumanayaa qolalka maqaasiinada, balse dhammaan xarunta waxaa gacanta ku haya ciidankeena” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku.

“Ma jirto jid ay ku baxsan karaan” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, waxaan weli jawaab loo heyn su’aal ah, haddii ciidaamda Kenya qabsadeen xarunta, maxaa loo la’ yahay wax war ah oo ku saabsan xaaladda dadkii meesha weeraray?, taasina waxa ay shaki gelin kartaa sheegashada Kenyan-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com