Ciidanka Qaranka Somalia iyo maskaxdii madaxweyne Xasan (2012 ilaa 2017)

Amnigu waa ahmiyada koowaad markii laguu doorto maamulka wadan kasoo kabanaya dagaalo sokeeye sida Soomaaliya.Qorshaha ciidan ee Soomaaliya waxaa sal-dhig u ah soo celinta amniga iyo la dagalaanka Al Shabaab.

Milatri, Boolis, Nabad Sugid iyo Asluub ayuu ka kooban yahau ciidanka Somaliya.

2012 markii uu xafiiska la wareegay Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ciidan Milatarigu ahaa 15 kun, waxey qaadan jireen mushaar siman dhamaan oo ahaa 100 dollar, ma heysan isbitaalo, xarumo ciidan oo gaar ah, mana iibsan karin saanad dagaal.

Intii uusan ciidan cusub qorin, wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh xooga saaray in ciidanku heleen xuquuq gaar ah. Waxyaabaha uu durba hirgaliyay waxaa ka mid ahaa In askartu ay u kala mushaar badan doonaan sida ay u kala daro sareeyaan, waxaana askari walba uu wax ku qadan jiray garaadihiis (Lacagta ugu yar waa 100 dollar, waxaana saraakiisha qaar uu mushaarkoodu gaaray $1000 dollar bishii).

Isbitaalka xooga ayaa dib loo dhisay intii uu xafiiska joogay madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo looga maarmay askartii lagu daaweyn jiray isbitaalada gaarka loo lee yahay.Halkaas waxaa ku baaqatay lacag badan oo Dowlada uga bixi jirtay isbitaalada ay dadka gaarka ah ay lee yihiin.

Sidoo kale waxaa la sharciyeeyay in askarigii dhinta mushaarkiisa iyo garaamkisii la siiyo qoyskiisa, taas oo aan marna baaqan.(Arrintaan dhiiri galin fiican ayey u noqotay ciidanka furunta ku jira).

Dowladii dalka maamuleysay dhamaadkii 2012 ilaa horaantii 2017 waxey ku guuleysatay iney soo iibsato hubka ay kula dagalaaman xoogaga argixisada, halka markii hore ay bixin jireen wadamada beesha Caalamka.

In ciidanku heleen tababar sare waxaa lagu sheegaa mid ka mid ah waxyabihii uu xooga saaray madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu joojiyay in askarta cusub lagu soo tababaro dibbada, si aaney dhaqamo kale usoo qaadan, taa badalkeeda waxaa la diyaariyay ilaa saddex xarumood oo ku yaala darfaha Muqdisho oo lagu tababarociidanka .Saraakiisha oo qura ayaa loo ogolaa tababar dibbad ah waxaana inta badan loo qaadi jiray wadamada Sudan, Masar, Turkiga iyo Uganda.

Duulaanadii Gor Gor iyo Badweynta Hindiya waxey ahaayeen labo dagaal oo aaney marna iloobi doonin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu xoreeyay gobalo badan oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.AL-Shabaab ayaa laga xureeyey meelo farabadan, wuxuuna howlgalka ka dhanka ah AL-Shabaab ka bilowday Afgooye iyo Balcad

Gobalka Gal-Gaduud waxaaAl Shabaab laga saaraydegmada Ceelbuur.Dhanka Hiiraan intiisa badan ayey heysteen Al Shabaab marka laga reebo magaalada Baladweyne, waxaase laga saaray inta badan magaalooyinka muhiimka ah sida Buulo-Burde, Jalalaqsi, Maxaas, Halgan, iyo Maqokori.

Dhanka Sh/Hoose iyo Sh/dhexe, marka laga reebo Agooye iyo Jowhar, inta kale waxaa ay gacanta ugu jireen Al Shabaab, laakiin Duulaanadii Gor Gor iyo Badweynta Hindiya ayaa sababay in inta badan la xoreeyay labada gobal. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ahaa Marko, Baraawe, Buulo Mareer, Qoryooley, Walaweyn, Janaale, Mahadaay, Cadale iyo Buuranle.

Jubbada Dhexe, marka laga reebo Saakow waxaa inta kale heystay Al Shabaab, laakiin dhul badan oo maanta nabad ah ayaa laga saaray, sidoo kale gobalka Gedo waxaa intiisa badan heystay Al Shabaab, laakiin dagaal xoogan kadib ciidankii Dowlada ayaa intiisa badan la wareegay gobalkaas.

Bay iyo Bakool ayaa inta badan laga saaray Al Shabaab, gaar ahaan magaalooyinka muhiimka ah. Qof kata ayaa xasuusan guushii weyneed ee laga soo hooyay dagaalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh la galay Al Shabaab, kuwaas oo ilaa hada la mahadiyo.

Sheeko ay inta badan askartu xasuustaan ayaa dhex martay Xasan Sheekh iyo ciidanka Amisom.(Markii ay dagaal wada aadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, waxaa jirtay kala tagoorid xaga dhaawacyada ah.Tusaale askarta ka dhawacanta Amisiom waxaa lagu soo qaadi jiray diyaarado, halka Soomaalida gaadiid lagu soo qaadi jiray, taas oo sababi jirtay in dhiig bax jidka ugu dhintaan).

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo arrintaas aad uga careysan ayaa ku amray ama usoo jeediyay Amisom in dhamaan dhawacyada diyaarad lagu soo wada qaado ama gaadiid lasoo wada saaro, balse uusan qaadan karin sida hada loo kala ficilaayo ciidanka. Maalinkii wixii ka dambeeyay ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada Soomaaliya isku diyaarad ayaa lagu soo qaadi jiray dhawacooda.(Inta badan askartu waa xasuustan sheekadan).

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu tirada ciidanka xooga gaarsiiyay 24, halka booliska iyo Nabad Sugidu uu gaarsiiyay 7 kun.Darajo bixinta madaxweynuhu waxey aheyd mid aad looga fakaray, wuxuu inta badan dalacsiin jiray saraakiisha, halka waxa ka hooseeya ay madxda ciidanku bixin jireen darajadooda (Hada taasi ma jirto, hal qof ayaana wax walba sameeya).

Labo sanno iyo saddex bilood kadib ciidankii sidaas loo dhisay waa la qabyaladeeyay, waxey ka cabanayaan mushaar la’aan, goobihii dhiiga badan loo daadiyay xoreyntooda dib ayey u qabsadeen Al Shabaab, Nabad Sugidii waa la kala diray, waxaana ay dad badan walaac ka baqaan dib u curashada awoodeed ee Al Shabaab.

Maxaa shacabka la gudboon?

Waxaa qoray: Ibraahim Cali Xuseen