Ciidanka taabacsan Lafta-gareen oo digniin cusub soo saaray – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta soo saaray digniin cusub oo ku aadan xaaladda magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Afhayeenka oo ku sugan bannaanka magaalada ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay fogaadaan goobaha ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, si aysan waxyeelo usoo gaarin, sida uu hadalka u dhigay.

Ugaas Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dagaal kasta oo dhaca uu sababi karo waxyeelo soo gaarto dadka rayidka ah, sidaas daraadeedna ay shacabka ugu baaqayaan inay ka feejignaadaan aagga ciidamada.

“Walaalayaal reer Baydhabo, waxaan idiinku boorrinaynaa inaad ka feejignaataan kuwa duulanka kuyimid xaafadihiinna dhufeysyada ka qotay, gaar ahaan Salbalaar iyo Afbalaar. Dagaal kasta oo dhaca wuxuu sababi karaa in dhib iyo khasaaro ay soo gaaraan shacabka. Sharfta leh kana fogaada goobaha ay joogaan,” ayuu afhayeenku ku yiri qoraal uu soo saaray.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay haatan Baydhaba ka taagan tahay xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo xasaasi ah, iyadoo dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed ay hadallo iska soo horjeeda kasoo saarayaan xaaladda magaalada.

Si kastaba, hadalka Ugaas Xasan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shacabka magaalada Baydhaba ay wajahayaaan walaac ku aaddan halka ay ku dambeyn karto xiisadda u dhexeysa dhinacyada, gaar ahaan haddii ay xaaladdu kasii darto.

Dhinacyada ayaa horay ugu dagaalamay gudaha magaalada iyo daafaheeda, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay uu sababay khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

- Advertisement -

Read more

Local News