Cosoble oo soo jeediyay in xilka laga qaado Cabdikariin kadib qaladaadkii Galmudug

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si weyn u dhaliilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, isagoo dalbaday in xilka laga qaado.

Cali Cosoble ayaa wax la aqbali karin ku tilmaamay in Cabdikariin uu weli yahay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, xilli uu ku eedeeyay inuu baalmaray xeerarka doorashooyinka ee dalka.

“Cabdikariin Axmed Xasan ayaa weli ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, iyadoo Maxkamadda Sare sheegtay inuu baalmaray xeerka doorashooyinka,” ayuu yiri Cosoble.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sheegay in haddii guddoomiyaha guddiga uusan is-casilin ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaddo tallaabo xilka looga qaadayo.

“Ninkaas hadduu is-casili waayay, waa in dowladda ka qaado xilka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cali Cosoble ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka ugu baaqay inay wax ka qabato arrinta guddiga doorashooyinka, isagoo sheegay inaan loo baahnayn in khilaaf kale oo siyaasadeed laga abuuro HirShabelle xilli weli xal laga gaarin xaaladda ka dhalatay doorashooyinka Galmudug.

“Iyadoo aan la xallin Galmudug ayuu haddana rabaa inuu qaso Hirshabeelle. Kuma qanci meyno doorasho uu ninkaas ku lug leeyahay,” ayuu yiri Cosoble.

Hadalka Cali Cosoble ayaa kusoo beegmaya xilli ay taagan yihiin doodo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan madax-bannaanida iyo kalsoonida lagu qabo guddiga doorashooyinka, iyadoo Maxkamadda Sare ay dhawaan sheegtay in guddiga uusan si waafaqsan sharciga doorashooyinka u maamulin doorashooyinkii isku sidkanaa ee Galmudug.

Arrintaas ayaa keentay in Maxkamaddu buriso natiijooyinkii kasoo baxay Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Galmudug, ayna go’aamiso in dib loogu celiyo doorashooyinkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News