Culeeska ka dhalan kara dhaqaalaha Mareykanka uu dul dhigay madaxda maleeshiyada Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha machadka daraasaadka amniga Soomaaliya Cabdulaahi Cali Macow oo saxaafada la hadlay  ayaa aragti ka dhiibtay dhibaatada ka dhalan karta dhaqaalaha dowlada Mareykanka uu dul dhigay hogaanka Alshabaab.

Wuxuu agaasimaha hoosta ka xariiqay in dhaqaalahaasi la dul dhigay madaxda Alshabaab waqti ko haboon, maadaama ay kordheen dhibaatada Alshabaab ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Mr Macow.

“Waxaan u arkaa warbixintaas iney tahay mid waqtigeedii ku habooneyd  kusoo aaday, sababtoo ah waxaa soo baxaysa in caalamka uu ka yaabay dhibaatada Alshabaab ku halaagayaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan”ayuu Macow.

Cabdulaahi Cali Macow, ayaa dhanka kale sheegay in dhaqaalahaasi ay wax weyn u dhimi doonaan is aaminaada ururka Alshabaab maadaama lacagta ay tahay mid badan oo la dul dhigay hogaanka sare ee ururka Alshabaab.

“Wax weyn ayay u dhimeysaa lacagta alshabaab xubnaha ugu sareeyo la dul dhigay, awoodooda ayay wiiqeysaa, dhexdooda ayaa kala shakinaya, oo dhibaato cusub ayay keeni kartaa”ayuu yiri Macow.

Waaxda Cadaalada Mareykanka ayaa shalay qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in 27 milyan oo doolar ku doonayaan madaxa shaqsiyaad hogaan u ah Alshabaab oo ilaa lix ruux gaaraya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com