Culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay tallaabadii Muungaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo maanta soo saaray bayaan culus ayaa si weyn usoo dhaweeyay qorshaha dib u dejinta ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Duqa Muqdisho ayaa maalin kahor sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo faraysa in hawlaha qurxinta caasimaddu ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Sidoo kale, wuxuu timaamay in 1,058 boos oo dhul ah uu maamulka u iibiyey dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta, kuwaas oo si lacag la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska guryahoodu ku waayay hagaajinta xaafadaha isku-raranka ah (OBASIIBOOYINKA) ee caasimada.

Intaas kadib warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu taageeray tallaabada guddoomiyaha gobolka, iyadoo culimadu sheegeen in arrintan ay u arkaan mid looga jawaabayo talooyinkii iyo dardaarankii ay ugu jeediyeen maamulka, gaar ahaan baaqii ahaa in loo turo dadka danyarta ah iyo qoysaska nugul ee duruufaha adag ku nool, lana dhowro karaamadooda iyo xuquuqdooda muwaadinimo.

Culimada ayaa si gaar ah u bogaadiyay dhulka ay dowladda hoose ee Xamar ka diyaarisay degmada Gubadley, kaas oo loogu talagalay in dib-u-dejin loogu sameeyo shacabka ay saameeyeen qorshayaasha dowladda ee la xiriira horumarinta caasimadda.

“Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa qorshaha dowladda hoose ee Xamar ugu diyaarisay deegaanka Gubadley ilaa kun boos oo la dejinayo muwaadiniinta ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Md. Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), uu ballan qaaday in goobaha cusub laga hirgelinayo adeegyada aasaasiga u ah bulshada, sida biyaha, korontada, waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka,” ayaa lagu yiri bayaanka culimada.

Sidoo kale, waxaa la sii raaciyay “Waxaan sidoo kale dardaaran ugu jeedinaynaa Maamulka Gobolka in dib-u-dejinta lagu saleeyo xaqiijin iyo diiwaangelin dhab ah oo lagu ogaanayo dadka sida dhabta ah u deggenaa goobaha ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka nugul iyo qoysaska aan haysan awood ay ku raadsadaan xuquuqdooda”.

Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ugu mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir tallaabada wanaagsan ee uu qaaday, waxaana uu ku boorriyay in hirgelinteeda lagu saleeyo caddaalad, hufnaan, sinnaan iyo daryeelka dadka nugul.

Dhanka kale, culimada ayaa baaq u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dalbadeen in ay u dheg-nuglaadaan dadaallada lagu horumarinayo, laguna qurxinayo caasimadda dalka, ayna si mas’uuliyad iyo wadajir leh uga qaybqaataan qorshayaasha lagu horumarinayo bilicda, nadaafadda iyo amniga.

Ugu dambayn, Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa ku boorriyay ganacsatada, maalgashadayaasha iyo hay’adaha samafalka in ay iska kaashadaan wax u qabashada danyarta Soomaaliyeed ee dib-u-dejinta loo samaynayo, iyo bulshada qaybaheeda nugul ee gargaarka u baahan.

- Advertisement -

Read more

Local News