Culusow: Wuxuu Yariisow ku hadlay xitaa barasaabkii Talyaaniga kuma dhiiran

Jawaabta Guddoomiyaha Gobolka Benadir Inj. Yarisow ee ku saabsan amar uu ka bixiyay dhulka EX Marino ee Dowladihii kala dambeeyay u sharciyeeyeen ee Madaxweyne Cabdullahi Yusuf, Sheikh Sharif, iyo Xassan Sheikh siiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed sida ay sheeganayaan waa gef weyn ee aan laheyn xikmad dowladnimo.

Xitaa barasaabkii Talyaaniga sidaas uma hadli karin.

Khubaro badan waxay soo jeediyeen inay xaaran tahay in dalal ajnabi ah la siiyo dhulka xeebta ah. Haseyeeshe Dowladda Madaxweyne Farmajo diyaar uma ah in lala taliyo ama tixgeliso talada shacabka.

Waxaa soo ifbaxaya in madaxda ku fadhisa kuraasta dowladda federaalka ay qabaan fikrad dowladnimo ee la mid ah tan Al Shabab iyo hoggaamiyayaashii dagaalka sokeeye oo hadalkooda, qoraalkooka, iyo ficilkooda sharci yahay, sax yahay, aan laga hadli karin.

Waxaa kaloo soo caddaanaya inay dhisanayaan dowladda ay ayago leeyihiin, jecel yihiin, jeebkooda ku jirta oo cid kale shaqo ku laheyn.

Arrintaas waxaa markhaati u ah in doorkii Barlamaanka, garsoorka, dowlad goboleedyada, saxaafadda, bulshada ra’yidka, iyo mucaaradka la laa’lay

Soomaaliya waxay u baahan tahay badbaado iyo naf hurid deg deg ah.

Dr. Maxamud Culusow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid