CUMAR Cabdirashiid oo beeniyey arrin uu Shariif ka sheegay Muqdisho xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa weerar ku qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo xalay mar kale ku celiyey inuusan waxba ka ogeyn saxiixa heshiiskii is-fahamka badda ee 2009 lala galay Kenya ee loogu magac daray Memorandum of Undertanding (MoU).

Heshiiskaas ayaa waxaa saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xilligaas ahaa wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaana dalka madaxweyne ka ahaa Shariif, halka uu Cumar Cabdirashiid ahaa ra’iisul wasaare.

Sheekh Shariif oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey go’aanka ay Maxkamadda ICJ ka gaartay kiiska badda ayaa sheegay inaanu la socon heshiiska, islamarkaana Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u sheegay qorshaha safarka subaxii uu u aadayey Nairobi.

“Xukuumadeydii waxaa lagu qanciyey inay lagama maarmaan tahay in anaga iyo Kenya aan badda wax iska dhahno Cumar Cabdirashiid oo xukuumadda hoggaaminaayey iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsanaa ayaa go’aanka qaatay. Aniga la ilama soo socodsiin arrintaas, subaxdii heshiiskaas la saxiixaayey waxaa isoo wacay Cabdiraxmaan oo iguyiri madaxweynow waxaa la rabaa in heshiiskaas la saxiixo ee maxay kula tahay? Waxaan iri Ra’iisul wasaaraha warkiisa yeel, waxii Alle naga siiyaba,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hase yeeshee, Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa beeniyey sheegashada Shariif, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu wax ka ogaa heshiiska.

“Madaxweyne Sheekh Shariif qeyb ayuu ka ahaa hanaanka go’aanka looga gaaray in la teegeero heshiiska MoU ee hadda farqiga ka sameeyey kiiskeena. Halista ay leedahay in la inkiro, waa inay furi karto waddo madaxweyne Farmaajo uu berri ku beeniyo inuu wax ka ogaa dhiibista Qalbi-Dhagax, sidaasna ay wax walba ku socdaan,” ayuu yiri.

Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku adkeysanaya in heshiiskaas aan badda lagu iibin sida marar badan lagu eedeeyey, waxayna sheegaan in heshiiskaas uu yahay midka hadda horseeday in Soomaaliya ay guul ka gaarto kiiska badda, inkasta oo weli qeyb badda ka mid ah la siiyey Kenya.