DAACISH-ta Puntland oo sameysay fariisimo cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhulka buuraaleyda Galgala ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in qeybo kamid ah buuraha ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka ayaa lasoo sheegayaa in dhaqdhaqaaqooda uu yahay mid ay ku sal balaarsanayaan, waxaana soo baxaaya warar sheegaya inay kasoo siqeeb dhufeysyadii ay horay ugu sugnaayen.

Dhufeysyo hor leh ayaa la xaqiijiyay inay ka sameysteen buuraha, iyadoo xiliyada habbeenkii rasaas ku fura ciidamada maamulka ee ku sugan jiida dagaalka.

Dhufeysyada qaar ayaa la sheegay inay ka dhisteen qeybaha sare ee buuraha, halka qaarna ay ka dhisteen goobo aan sidaa uga sii fogeyn halka ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Puntland.

Dhaqdhaqaaqyada Daacishta Somalia ayaa kusoo beegmaya xili maamulka Puntland uu isku diyaarinayo doorasho Madaxweyne waxaana aad looga cabsi qabaa in qalqal amni ay geystaan maleeshiyaadka.

Geesta kale, maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Daacishta Somalia oo ay ku qaadan fariisimaha ay ku leeyihiin buuraha, kahor inta aanu dhicin doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com