Daacishta SOMALIA oo dhadhaqaaq ka wadda…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray magaalada garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka C/weli Gaas uu Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Militeriga iyo Nabadsugida ku amray inay wax ka bedelaan dhaqdhaqaaqyada ay bilaaben Daacishta Somalia ee ku sugan buuraaleyda Galgala.

Madaxweynaha ayaa lasoo warinayaa in Taliyayaasha uu ku amray inay Ciidamo dheeri ah geeyaan jiida dagaalka ee Galgala, waxa uuna sidoo kale amar ku bixiyay in Ciidamada ay Howlgalo joogta ah ay ka fuliyaan buuraha si aan fursad loo siinin Daacishta Somalia ee saldhigyada ka dhiganaaya Buuraha Galgala.

Ciidamada maamulka ayaa durbadiiba dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay Buuraha Galgala waxaana lasoo warinayaa inay horay u siqeen si ay ugu sii dhawaadan saldhigyada qarsoodiga ah oo ay Al-shabaab ka dhisteen Buuraha.

Ku dhawaad 4 gaari nooca gaashaaman ayaa ku biiray Ciidamada Mamaulka ee ka howlgala Buuraha Galgala, waxaana lagu wadaa in gudaha asbuuca soo socda ay sidoo kale halkaasi gaari doonaan ciidamo iyo gaadiid dagaal oo farabadan.

Dhanka kale, diyaar garowga Ciidamada Maamulka ayaa kusoo beegmeysa xili Maleeshiyaadka Al-shabaab garabka ku sugan buuraha galgala ee dhawaan ku biiray Daacish ay ku hanjabeen inay howlgalo adag ay ka fulin doonaan goob waliba ay ku sugan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com