Al-Shabab oo soo bandhigay gaadiid ay ka qabsadeen Dowladda (Sawirro)

Ururka Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen baabuurkii ay ku qabsadeen dagaalkii habeen ka hor ka dhacay degmada Mahadaay ee gobalka Sh/Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidankii u dagaalamay dankooda.

Dagaalka Mahadaay ka dhacay ayay Shabaab sheegeen in ay ka soo qaaden degmada buulo Burde ee gobalka Hiiraan waxa ayna baabuurtaan ku soo bandhigeen isla degmada Buulo Burde.

Ururka Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay Mahadaay ku dileen tiro ka mid ah ciidamada DF Somalia waxa ayna cadeeyeen in mar kale ay ku laaban doonaan.