Axmed Madoobe oo war ka soo saaray doorashada ka bilaabatay Ceelwaaq (Daawo)

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo galabta gaaray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka bilaabatay magaaladaas, halkaas oo lagu doortay ilaa 8-xildhibaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qorshihiisa koowaad uu yahay in Gedo aysan ka harin doorashooyinka dalka ka socda, sidaas darteedna uu maanta u tegay Ceelwaaq oo loo wareejiyey deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dadka reer Ceelwaaq u balan qaaday mashaariic hormarineed oo ay heli doonaan markii lasoo gabagabeeyo doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo.

Balanqaadka uu Axmed Madoobe u sameeyey reer Ceelwaaq waxaa sidoo kale ka mid ahaa in gole deegaan si deg deg ah loogu dhisi doono degmadaas uu kaligeed ka maamulo gobolka Gedo, si maamul shacabku soo doortay ay u hesho Ceelwaaq.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa galabta markii uu gaaray Ceelwaaq wuxuu horay ka dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono, sida uu sheegay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay inay diyaar tahay lacagta dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq, isla markaana dhawaan la xayaysiin doono qandaraaska dhismaha garoonka.

Sideed kursi ayaa maanta lagu doortay Ceelwaaq, waxaana hartay sideed kale oo berri la qorsheeyey in la doorto, sida aan xogta ku helnay, waxaana xusid mudan in garabka Farmaajo ay doorasho kale isla maanta ka bilaabeen magaaladii laga soo wareejiyey deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, waa Garbahaarey.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/wSbrpbwOLFk?t=16