Daawo: Barnaamij laga sammeeyey dilkii weriye Hindiya Xaaji (Raggii dilay oo ka sheekeynaya).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa soo bandhigtay laba kamid ah raggii dilay Allaha u naxariistee Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed.

Raggani ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/risaaq Maxamed Barrow ”Macalin Maxamed” iyo Xasan Nuur Cali ”Sheekh Aweys”.

Barrow, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu leeyahay mas’uuliyada ku xirista miinada gaarigii Handiyo Xaaji.

Xasan Nuur Cali waxa uu isna ahaa ninkii C/risaaq u soo dhiibay miinada, islamarkaana ku amray in miinada uu ku dhajiyo gaariga.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda ayaa sheegay in dilka Wariye Hindiyo sidoo kale loo qabtay Sargaal Militery ah, kaasi oo isna dusha sare kala socday dilka india.

Sargaalka Militeriga ayaa sheegay in howsha Dowlada uu Kofar ka dhigan jiray balse uu si toos ah kaga tirsan yahay Al-shabaab.

Shaki ayaa ka taagan xukumida dhagar qabayaashaani waxaana jira warar hoose oo dheegaya in lasii deyn rabo.

C/risaaq Maxamed Barrow ”Macalin Maxamed” ayaa kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir, halka Xasan Nuur Cali uu isna kasoo jeedo Beesha Abgaal.