Daawo: CC Shakuur: Xasan Sheekh laguma taageerin qabiil balse waxaa jiray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in uu jiray heshiis hoose oo Midowga Musharaxiinta ay gaareen, si loo taageero Musharaxa tartanka ku hormara, si looga adkaado madaxweynaha xilka kasii dagaya.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay codadka ugu wareejiyeen heshiiskii ay hore u gaareen darteed, isagoo meesha ka saaray in uu jiro isbaheysi qabiil oo loo taageeray madaxweynaha cusub.

“Heshiiskeena waxa uu ahaa qofkasta oo anaga naga mid ah (Midowga Musharaxiinta) ee tartanka ku hormara in asaga la taageero, sidaas ayaa keentay in Xasan Sheekh Maxamuud la taageero,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Wax gooni ah oo cid gooni ah lagu xigsanayo oo qabiil gooni ah lagu xigsanayay ma aheyn. Dadkii tartanka ku jirtay waxaa dhamaanteen ku heshiinay sidaas, marka Xasan Sheekh ayaa ku horeeyay sidaas ayuu ku helay.”

Xasan Sheekh ayaa wareegii u dambeeyay ee ay isku soo hareen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu taageero balaaran ka helay Saaxiibadiisa Midowga Musharaxiinta, oo uu qeyb ka ahaa madaxweynaha Puntland oo codad badan haystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.