Daawo: Dibad-baxyo xoogan oo ka dhan ah Farmaajo oo xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayeen dad shacab ah ayaa xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana looga soo horjeeday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay muddo kordhinta u sameeyeen Golaha Shacabka.

Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Farmaajo ayaa socod ku maray dhowr isgoys oo ka mid ah Jidka Wadnaha, laga soo billaabo Isgoyska Jiiro Wacbuudhan, Sanca, Jardiinka, Siinaay illaa nawaaxiga Xararyaale ee wadaddada Wadnaha.

Dadka banaanbaxaas dhigayey oo watay cod baahiyeyaal ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo, waxayna lahaayeen, “Kaligi-taliye dooni meyno, Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo waa gacan ku dhiigle” iyo erayo kale oo ay ku muujinayaan diidmadooda ku aadan mudo kororsigii dhacay 12-kii bishan.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay in dalka uu ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah sidoo kale uu yahay kaligiis talis, islamarkaana ay doonayaan in uu iska baxo, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyaga oo dadka banaanbaxa dhigaya ay dalbanayaan in Farmaajo uu iska baxo, si loo qabto doorasho.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maalinkii labaad degan kadib dagaalladii Axaddii ka dhacay, inkasta oo weli ay jirto cabsi ah in dagaalka uu mar kale qarxi karo.