Wararkii ugu dambeeyay doorashada qof iyo codka ah ee ka bilaabatay Galmudug

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaannada Galmudug waxaa maanta ka bilowday doorashooyinka isku sidkan ee maamulkaasi, iyada oo saaka dadweynaha ay buux dhaafiyeen goobaha loo asteeyay cod-bixinta.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa usoo baxay dadweyne fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka kala duwan ee Galmudug, si ay codadkooda u dhiibtaan, una soo doortaan hoggaankooda.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo ka warbixiyay doorashadan ayaa sheegay inay daah-fureen saaka aroortii hore, isla markaana ay doorashadu ku socoto jawi deggan oo nabdoon.

“Dhammaan 11-ka degmo oo aan u iclaaminay inay ka dhacdo doorashadu deegaanku Galmudug, waxayna furantay 7:00am, waxaan u sheegeynaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay doorashadii bilaabatay, howshuna ay sidaas ku socon doonto,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay inay is diiwaangeliyeen dad ka badan 200,000, isla markaana intooda badan ay qaateen kaararka cod-bixinta, si ay codadkooda u dhiibtaan, isaga oo tilmaamay in Galmudug ay qaaday waddadii dimoquraadiyadda.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in qof kasta oo reer Galmudug oo is diiwaangeliyay uu xaq u leeyahay ka qayb-galka doorashada, isaga oo xusay in lagu codeyn karo kaarka iyo sidoo kale shahaadada ku-meel-gaarka ah.

“Dadku badi way wada qaateen kaararka, waxaana leenahay waxaa lagu coden karaa kaarka lafta ah iyo shahaadada ku-meel-gaarka ah, qof walba oo diiwaangashan oo reer Galmudug ah wuxuu maanta xaq u leeyahay inuu codeeyo,” ayuu sii raaciyay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka.

Dhanka kale, ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyada oo degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka lagu soo rogay bandow, si loola socda dhaq-dhaqaaq guud, loona sugo amniga dadka ka qayb-gala doorashada.

Si kastaba, Doorashadan ayaa iskugu jirto golaha Wakiillada oo ay ku tartamayaan 12 urur siyaasadeed oo ay iska soo sharraxeyn musharixiin gaareysa 369 musharax, kuwaas oo ku tartamaya 89 kursi, iyo golaha deegaanka, waxaana yaallada kuraas dhan 243 kursi oo ay ku tartamayaan 16 urur siyaasadeed, kuwaas ooay ka sharaxan yihiin illaa 924 musharax.

- Advertisement -

Read more

Local News