26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Daawo: Farmaajo si qiiro leh u dhex galay Fanaaniin, dhinaciisana ka heesaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay ka qeyb galay musaanadda loogu dabaal dagayey sanad guuradii 57-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey kalsooni iyo qiiro markii uu dhex galay fanaaniintii heesaha ka qaadayey xafladdii Shalay ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Farmaajo ayaa dhiniciisa kala heesay Fanaaniinta oo halkaas ka qaadayey hees qiiro laheyd oo sababtay inuu madaxweynaha kursigiisa ka kaco isla markaasna uu si lama filaan ah uga mid noqoday Fanaaniinta.

Madaxweynaha ayaa sacab iyo ficilo muujinayey inuu qiireysan yahay ka muujiyey masraxa ay fanaaniinta ku heysayeen.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka Madaxweynaha oo ka qeybgalay heestaas:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News