Daawo: Gabar Somali ah oo dhibaato & calool xumo ku nooleyd in ka badan 20 sano oo mar qura laga farxiyay

Gabar Soomaaliyeed oo dhibaato iyo calool xumo ku nooleyd in ka badan 20 sanandood ka dib dhaawac halis ah oo ka soo gaarey wajiga oo ay xabad uga dhacday ayaa waxaa la sheegay inay farxad la ilmeysay ka dib markii loo sheegay in qaliin dib loogu hagaajinaayo wajigeeda lagu sameyn doono.

Ayaan Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo 25 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in ayadoo yar oo 2 sano jir ah ay xabad kaga dhacday wajiga, Gabadhaan Soomaalid ayaa wixii intaas ka dambeeyey waxaa nolosheeda soo wajahay dhibaato weyn iyo xanuun joogto ah iyadoona dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo kuwa Afrikaba ay wax ka qaban waayeen gabadhaas dhaawaceeda oo wajigeeda ka dhigay si qaab daran oo aan la eegi karin.

Gabadhaan Soomaalida ayaa dhawaantaan waxaa u suuro gashay inay soo gaarto dalka Australia si loogu sameeyo qaliin loogu hagaajinaayo wajigeeda ay mudada dheer ay ku qabtay dhibaatada weyn, gabadhaan Soomaalida ayaa la filayaa in dhawaantaan qaliin loogu sameeyo wajigeeda isbitaalka lagu magacaabo Wesley Hospital oo ku yaala magaalada Brisbane ee dalkaas Australia iyadoona ay dhaqaatiirtu sheegeen inay rajeyn doonaan inay wax weyn ka qabtaan wajiga gabadhaas Soomaalida ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaaas Soomaalida oo dhawaantaan lagu qali doono isbitaalka lagu magacaabo Wesley Hospital oo ku yaala magaalada Brisbane ee dalkaas Australia ayaa waxaa arintaas qeyb weyn ka qaatey haweeneyda lagu magacaabo Edna Adaan Ismaacil.

Gabadhaan Soomaalida oo markii hore uu wasiirka qaxootiga ee dalkaas Australia ninka lagu magacaabo Scott Morrison uu u diiday fiisihii ay dalkaas ku gali lahayd ka dib markii uu ku sheegay in dhaawaca gabadhaasi uusan ahayn mid nolosheeda qatar ku ah ayaa dalab ka yimid dad kor u dhaafaaya ilaa iyo 40,000 oo qofood ka dib waxaa loo ogolaaday gabadhaas in la siiyo dal ku galkii ama fiisihii ay ku gali lahayd dalka Australia iyadoona ay dhaqaatiirta iyo isbitaalkaasiba ay si bilaash ah ama lacag la’aan ah ay ku daaweynaayaan gabadhaas Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com