Guddoomiye Dhabancad oo shaaciyey inuu isku day dil ka badbaaday (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa shir jaraa’id qabtay caawa kadib markii uu dhaariyey xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiye Dhabancad ayaa sheegay in caqabado badan ay doorashooyinka u dhigeen kooxda Farmaajo, iyadoo ugu dambeyna uu galabta ka badbaaday weeraray ay ciidamo loo diray.

Wuxuu sheegay in Taliyaha ciidanka booliska iyo ku xigeenadiisa ay galabta u diideen teendhada Afisyooni, halkaas oo ay doonayeen in xildhibaanadaan lagu dhaariyo.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay tageen Hotel qof shakhsi ah uu leeyahay, si loo dhaariyo xildhibaanada, balse lagu soo weeraray, halkaas oo burbur baahsan uu ka soo gaaray Hotelkii, sida uu sheegay guddoomiye Dhabancad.

“Markii ugu dambeysay ee aan Hotelka tagnay xabad ayaa lagala daalay goobtii aan ku sugneyn, ma garano ninkii hotelka lahaa cid u gudi doonta burburkii loo geystay, waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa yaan dowlad la dhisin, waxaan moodayey in la bislaaday, laakiin dhibku waa sii badanayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad.

Wuxuu intaas ku sii daray in ciidamada ammaanka ay dhibkaas geysanayaan, madaxda qaarna ay qaladkaas ku amrayaan, balse wuxuu cadeeyey in nafta ay u huri doonaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka daawo