Daawo: Jadwalka doorasho ee guddoomiyaha golaha shacabka ‘oo la dejiyey’

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo goordhoweyd la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in guddiga uu dajiyay jadwalka doorashada guddoonka.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inay isla maantaba la kulmi doonaan guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare, si loo dar-dar geliyo doorashada guddoonka labada aqal.

“Maanta ayaa la idoortay isla maantaba shaqadii hore ayaa loo galay oo waxaa diyaarinay jadwalkii. Waxaa rabnaa in aan dadajino doorashada guddoonka Golaha Shacabka, sidoo kale waxaa rajeynaya in doorashada guddoonka Aqalka Sare ayadana la dadajiyo.

Guddoomiyaha ma shaacin jadwalka, balse wuxuu sheegay inay dib kasoo bandhigi doonaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in waqtigu uu ku yar-yahay, islamarkaana ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan ay u dhacdo doorashada guddoonka labada aqal, si loogu sii gudbo qeybaha kala ee doorashooyinka dalka.

Cabdirisaaq ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha guddiga, asaga oo helay 5 cod, waxayna deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle, gaar ahaan Beledweyne.

Guddoomiyaha cusub ayaa ka mid ah xubnaha mucaaradka, gaar ahaan xisbiga UPD ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna hogaamin doona doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka iyo ku-xigeenadiisa, taasi oo si weyn loogu hardami doono.

Si kastaba, doorashada Soomaaliya oo muddo badan soo jiitamtay ayaa hadda mareysa heer geba-gebo ah, ayada oo tallaabadaan ay muhiim u tahay doorashada madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, taas oo loo geli doono loolan culus.